Munaasibad Lagu Falanqeeyay Siyaasada Arrimaha Dibada Iyo Ictiraaf Raadinta Somaliland Oo Ka Dhacday Hargeysa
January 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa isla markaana lagu falanqaynayay siyaasadda arrimaha dibadda iyo aqoonsi raadinta Somaliland oo uu martina ku ahaa Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha Somaliland ka haysata helista aqoonsi caalami ah.
Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa madasha ka akhriyey waxyaabaha sababta u ah inaynaan aqoonsi caalami ah dunida ka helin iyo siyaabaha lagu heli karo.
“Aqoonsigu waa hab farsamo oo dawladuhu isku aqoonsadaan ,taasi oo ka dhigan dawladaasi waanu aqoonsanahay inay jirto,laakin haddii aan lagu aqoonsanayn waxay ka dhigan tahay ma jirtidi”ayuu yidhi Maxamed Haaruun Biixi.