Daawo Muuqalka”Suldaan Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Somaliland Oo Madaxweyne Siilanyo Ugu Baaqey Inuu Umada U Cadeeyo In Talada Dalku Gacantiisa Ku Jirto Iyo In Isaga Laftiisa Loo Taliyo
April 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Daakir oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa waxaauu madaxweyne Siilanyo ugu baaqey hadii uu talada dalka hayo in uu umada u cadeeyo in uu isagu xukumo dalka hadii kalana uu umada u bayaamiyo in dalka ay xukumaan dad aan loo dooran
Suldaanka oo arintani ka hadalaya waxaa uu yidhi
” Waxaan rabaa in aan u soo jeediyo madaxweynaheyga qaranka ee aanu dooraney in aan yidhaahdo madaxweyne hadii ay dhab tahay umada u cadee oo waxaad tidhaahdaa waa sida la sheegaayo oo umada cid kale ayaa u talisa ama umada u cadee oo waxaad tidhaahda dalka aniga ayaa u taliya oo waxan lagugu sheegaya hadii aaney dhab aheyn umada xaqiiqada u soo sheeg ” ayuu yidhi Suldaan Daakir