Xukumada Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabishay Madax Ka Tirsan Federaalka Dawlada Xamar Duhur-cad Kuwo Kalena Xrrbta Bada Berbera U Dalxiis Geysay
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabishay Xoghayaha koowaad [First secretary-ga] Safaaradda dawladda Soomaaliya ku leedahay Magaaladda Jidaha ee dalka Sacuudi Arebia, kaasoo lagu magacaabo Mr. Axmed Farhaan. Ma jiro war kasoo baxay Xukuumadda oo daboolka ka qaadaya ujeedada uu ku qotamey socdaalkiisu.
Hase-yeeshee ila wareedo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa masuulkaas Soomaali-weyn, ayaa tibaaxay in Ninkan oo ku safrayey Passport-ka Cas ee Diblomaasiyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya qaataan, waxa Toddobaadkii hore uu kasoo degay Madaarka Cigaal International ee Magaaladda Hargeysa, halkaasoo qadar kooban markii qolka marti-sharafta [VIP-ga] ee Madaarka uu ku nastay, ayaa waxa loo qaaday dhinaca Madaxtooyadda oo sida wararku xuseen kulan saacado qaatay uu kula yeeshay Madaxweynaha, Marwadda Madaxweynaha, iyo sidoo kale xubno ka tirsan shaqsiyaadka awoodda badan ku leh qasriga dalka looga taliyo.
Mr. Axmed Farhan oo sida la sheegay isagu dhalasho ahaan kasoo jeedda Somaliland, isla markaana qaraabo dhow ay yihiin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii dhawr maalmood uu joogay Magaaladda Hargeysa, waxa uu u dhoofay dhanka Magaaladda Muqdisho, halkaasoo ay ku sugayeen wefdigii uu la socday markii hore intii aanu kaga hadhin Magaaladda Hargeysa. Waxa kaloo iluhu intaa ku dareen Mr. Axmed Farhan in ujeedka safkiisu la xidhiidhay sidii dawladda Sacuudiga loogu qancin lahaa in Somaliland tahay Maamul-goboleed ka tirsan deegaanada ay xukunto dawladda Federaalku.
Docda kale, wararku waxay intaa ku dareen in safarka masuulkani aanu ahayn kii u horeeyay ee Somaliland uu ku yimaado sarkaal sidan oo kale ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya, hase-ahaatee, isla Toddobaadkaasi waxa isna Madaarka Hargeysa kasoo degay Wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha ee Maamul-goboleedka Puntland, kaasoo siday Shabekadda Yoolnews u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay uu socdaalka ku weheliyay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Cabdulaahi Maxamed Daahir “Cakuse”, oo halkaa ay kaga wada qayb galeen shir loo qabtay masuuliyiin ka socdey maamul-goboleedada iyo dawladda dhex ee Soomaaliya.