Mareykanka Oo Hada U Hanjabey Kuuriyada Waqooyi , Ciidamo Military Ah Oo Xuduuda La Keenay Iyo Saansaan Dagaal Oo Muuqata+Daawo Sawiro
April 17, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka, Mike Pence, ayaa ka digay in miiska ay saaran yihiin dhamaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada woqooyi.
Wuxuu hadalkan jeediyay mar uu boqoday xuduuda labada kuuriya ee militiriga badan ay jogaan .
Mr Pence ayaa sheegay in waqtigii xeeladaha dulqaadka ee Kuuriyada wuqooyi ay dhamaadeen .
Hasa yeeshee waxa uu sheegay in madaxwayne Trump uu cadeeyay in uusan ka hadalin talaabo militari oo gaar ah .
Mr Pence oo aabihii uu ka mid ahaa ciidamada Maraykanka xiligii dagalkii Kuuriya ayaa sheegay in Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu ka dhaxeeyo xidhiidh qota dheer