Dawlada Venezuela Oo Wax Ka Bixisay Kharashkii Ku Baxay Caleemo Saarkii Madaxweyne Donald Trump
April 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Venezuela ayaa 500,000 oo kun oo dool ugu deeqday caleemo saarkii madaxweyne Donald Trump, sida uu muujinayo macluumaad cusub oo la baahiyay.
Shirkadda Citgo Petroleum oo ay bahwadaag yihiin shirkadda shidaalka ee dawladda Venezuela ayaa lagu magacaabay warbixin ay diyaarisay Guddiga Doorashada Faderaalka ee Maraykanka.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay u muuqato in dhaqaalihii Venezuela ay curyaamiyeen cunto yari, dambiyo rabshado wata iyo sicirbarar.