Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Yurub Oo Saaka Looga Dareeray Doorasho Madaxweyne Iyo Dalka Uu Yahay
April 24, 2017 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Dalka Faransiiska ayaa isu diyaarinaaya doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo maanta oo Axad loo dareeray goobaha cod bixinta, xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay, kaddib weerar khamiistii ka dhacay Paris oo lagu dilay askari Boolis ah.

Ciidan tiradooda lagu qiyaasay Illaa 50-kun oo boolis ah iyo illaa 7,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay dhamaan magaalooyinka dalkaas, si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha doorashada ka dhaceyso.