Boqorka Dalka Sucuudiga Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey , Isla Markaana Go,aamo Cusub Ku Dhawaaqey
April 24, 2017 - Written by Berbera Today
Riyadh(Berberatoday.com)-Boqor Salman ka Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celiyey gunnooyinkii la siin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka dalkaas ee laga gooyey bishii Sebtember ee sannadkii hore, markii dalku qaatay tallaabooyinka lagu dhimayo kharashaadka dawladda sababtuna ay ahayd sicirka saliidda oo hoos u dhacay.
