Komiishanka Iyo Xisbiyada Oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Xeerka Anshaxa Kaadh-qaybinta
April 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka, ayaa Maanta kala saxeexday Xeerka Anshaxa Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha, oo 29-ka bishan laga bilaabayo Gobollada Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag.
Kulankan Komiishanka iyo Saddexda Xisbi Qaran ku kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa Kaadh-qaybinta, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha fulinta ee Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, waxaanu yidhi “Komiishanka iyo Saddexda Xisbi waxay halkan u joogaan inay kala saxeexdaan Xeer ka hadlaya sida loo qaybinayo Kaadhadhka (Cod-bixiyeyaasha), si Kaadh-qaybintu u noqoto mid wanaagsan oo si nabadgalyo ah ku dhacda, oo la isla ogol yahay.”