Cristiano Ronaldo Oo La Sheegay In Uu Lacag Siiyey Gabadh Uu Ka Baqay In Ay Ku Soo Faqdo Eedo Hore Oo Kufsi Ahaa
April 26, 2017 - Written by Berbera Today
Berlin(Berberatoday.com)-Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa xiddiga kubadda cagta ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku eedaysay in uu lacag magdhow ah oo aad u badan Kaash ugu bixiyey si uu u aamusiiyo gabadh ku eedaynaysay in uu sannadkii 2009-kii ku kufsaday magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.
Ronaldo oo hore u diiday eedahaas kufsiga la xidhiidha ayaa uu wargeyska Der Spiegel oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa xaqiijiyey in Ronaldo uu gabadhan siiyey lacag, “Si uu u aamusiiyo, ugana hortago in ay warar dheeraad ah oo been abuur ah ay ka sheegto, kana fogaado fadeexad”