|
berberatoday.com
Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Baashe Morgan Oo Damacsan Inay Xabsiga Dhigaan Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Oo Si Toos Ah U Dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Magacaabista Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada Booliska Oo Noqon-doonta Sallaanka Loo Maro Xadhigiisa+ Maxaad ka Og-tahay Xoggaha Xasaasi Ah Ee Ku Duugan Magacaabista Gaashanle Ganey Oo Ay Ilmaadeer Yihiin Haweenay Lagu Magacaabo Ruweyda Oo Wasiir Xaashi Mucaaridadeeda Ka Ledi-waayey
April 27, 2017 - Written by Berbera Today
Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Baashe Moorgan oo Damacsan Inay Xabsiga Dhigaan Hoggaamiyaha Waddani Xirsi oo Si Toos ah u Dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Magacaabista Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada Booliska oo Noqon-doonta Sallaanka loo Maro Xadhigiisa+ Maxaad ka Og-tahay Xoggaha Xasaasi ah ee ku Duugan Magacaabista Gaashanle Ganey oo ay Ilmaadeer Yihiin Haweenay Lagu Magacaabo Ruweyda oo Wasiir Xaashi Mucaaridadeeda ka Ledi-waayey+ Cabdirisaaq Cumaani oo ah Shaqsi Lagu Naas-nuujiyo Mashaaricda Madaaradda iyo Wadooyinka oo kasoo Shaqeeyey Dabinada la’la Gaadayo Xirsi

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilahi Fadal, usoo dhiibay Warqad uu Xilka ka qaadday taliyihii hawl galinta ciidamada booliska Somaliland Gashaanle Sare Maxamed Ducaale. Isla markaana waxa uu Xilkiisii Taliyaha hawlgelinta u Magacaabay Nin ay Isku hayb Yihiin Wasiirkii ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan, kaasoo lagu Magacaabo Gashaanle Sare Ganey. Haddaba, Maxay Tahay Sirta ka danbeysaa ee Madaxtooyadda ka leedahay Magacaabista iyo eriga Taliyaha hawlgelinta Ciidamada Booliska.
Warar Shabakadda Xogreebnews ka heshay, ujeedada ka dambeysaa Magacaabista Taliyihii hawlgelinta ee Ciidamada Booliska Somaliland ee Cusub Gaashaanle Ganey ayaa lagu sheegay inay tahay dhawr qodob. Kuwasoo ay ugu Muhiimsan yihiin, in lasoo xidho Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland, imika ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo ay Isku Beel yihiin Taliyaha hawlgelinta Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle Ganey.
Kaddib Markii uu shalay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali X. Xasan u markii ugu horaysay si toos ah dhaliilo Cul-culus uu jeediyey Xukuumadii uu kasoo maqnaa mudada sannaadka ah ee u hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Iyadoo uu Gilgilay qasriga Madaxtooyadda Somaliland hadalladii uu hoggaamiye Xirsi ku dhaliilay Xukuumada iyo shaqsiyaadka gacan-yarayaasha u ah Madaxweynaha hadda. Muacaaridadaas oo ku noqotey mid lama filaan ah, maadaama oo amrjii hore aanu Ex Wasiir Xirsi dhaliili jirin Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, balse uu dhaliili jiray Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Waxana Wararka xog-ogaalka ah ee soo gaadhay shabakadda Xogreebnews ee la xidhiidhaa Magacaabista taliyaha hawlgelinta Gaashaanle Ganey intaa ku dareen in Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay ee Baashe Moorgan go’aan ku gaadheen in shaqada ugu culus ee loo diraayo sarkalkan la magacaabay ay tahay inuu xabsiga soo dhigo Hoggaamiyaha Waddani Xirsi.
Waxa kaloo qodobka labaad ee masuulkan uu Magacaabistiisa Wasiir Maxamuud Xaashi ka leeyahay lagu sheegay inay Gaashaanle Ganey ay Ilmaadeer rumaad yihiin haweenay Mucaaridadeeda iyo Cayda ay Baraha Bulshada usoo marisay Maxamuud Xaaashi u adkaysan waayey. Gabadhaas oo ku nool dalka Istareeliya, laguna Magacaabo Ruweyda Faarah, taasoo dhaliilo laf jab ah dhawr jeer boga Facebook usoo marisay Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxanu sida xogguhuu sheegeen Wasiirka Maxamuud Xaashi Taliye Ganey Faray inuu haweenaydaas qaboojiyo, kana hawlgalo inay la shaqeyso Xukuumadda uu wasiirka ka yahay, isla markaana uu Gaashaanle Ganey noqdo mid xilka loo Magacaabay sababtiisa ay Marwo Ruweyda Faarah mucaafid la noqoto.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxa Cusub ee Hawlgelinta Ciidamada Booliska loo Magacaabay Gaashaanle Ganey ayaa hore uga mid ahaa Sirdoonkii Somaliland Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Riyaale, hase-yeeshee shaqada laga Caydhiyey markii Xukuumada Kulmiye talada qabsatay, waxana uu muddo shan sanadood ka badan hadda la shaqeyn jiray Nin ay Madaxweyne Siilaanyo isku raas hoose yihiin oo Ganacsae ah, kaasoo lagu magacaabo Mr Cabdirisaaq Cumaani, isla markaana Mashaaric badan oo kala ah dhismaha Madaaradda iyo Wadooyinka waaweyn ee dalka lagu naasnuujiyo uu la shaqeyn jiray una ahaa kormeerayaasha Wadooyinka, waxana la sheegay in Mr Cumani oo ay saaxib yihiin Wasiir Maxamuud Xaashi iskuna qarsadaan Mashaaric badan oo la lunsanaayo markii hore qorshaha magacaabista sarkaalkan ka dhaadhiciyey Wasiir Xaashi iyo Baashe Moorgan. La soco Wixii Xogo ah ee kasoo Kordhaa arrimahan.
Xigasho Xogreebnews.com
COMMENTS
|