Laba Lamaane Oo Muddo 69 Sanno Is Qabay Oo Iyagoo Gacmaha Is Haysta Mar Wada Geeriyooday
April 29, 2017 - Written by Berbera Today
Illinois(Berberatoday.com)-Lamaanahan ayaa la sheegay inay 69 sanno is qabeen, waxaanay ku noolaayeen gobolka Illinois ee dalka Maraykanka, waxaanay ahaayeen qoys la sheegay inay aad isku jeclaayeen,isla markaana nolol badan meel ku soo wada qaateen, waxaana naqasku qabtay odaygii isagoo gacanta haysta ayaa laba sariirood oo isku dhinac yaal la wada dhigay, markii odaygii naftu ka baxday daqiiqado kooban ayey haweenaydiina naftu ka baxday, sida ay qortay Daily Herald.
Gabadh ay dhaleen ayaa sheegtay in midkoodna kaligii noolaan karayn haddii aduunka midkood ba ka kale ku cidleeyo ama kaga tago.
“Jacaylkii ay isu hayeen wuxuu ahaa mid xoog badan, midkoodnana ma noolaan karin midka kale la’aantii,” ayay tidhi Clara Gesklin oo ah gabadh ay dhaleen oo ka hadashay aas wadajir loo sameeyay.