Halkan Ka Dhagayso Taariikh Nololeedkii Iyo Faneedkii Marxuum Abwaan,Fanaan,Mulaxamayste Rashiid Bullo Ibraahim Alle Ha Unaxariistee
April 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wuxuu ahaa fannaan weyn oo muddo ka badan lixdan sano ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed. Waxaa geerida Rashiid Bullo u xaqiijiyay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige wiilkiisa Rafiiq Rashiid Bullo.
Rashiid Bullo wuxuu ku bilaabay fankiisa dhinaca muusiga Radio Hargeysa markii ingiriisku furay sanadihii afartameeyadii.
Wuxuu markii danbe noqday hoobal iyo abwaan curiya suugaanta.
Asalkiisu Hindi buu ahaa
Rashiid Bullo isirkiisu wuxu ahaa Hindi oo aabihii Balluu Ibraahim wuxu magaalada Saylac yimid 1886 wuxuunu guursaday haweenay Soomaali ah.