Qaadashada Kaadhkii Codbixiyayaasha Oo Saaka Guud Ahaan Gobolka Saaxil Ka Bilaabantay,Shacabka Oo Si Habaqle Ah Uqaadanaya Kaadhadhka+Dadkii Lasoo Rari Jiray Oo Haba Yaraatee Aan Lasoo Rarin Iyo Tiradii La Filaayay Oo Intii Ka Yaraan Doonta
April 29, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Saaka Guud ahaan Gobolka Saaxil ka bilaabay bixinta Kaadhkii Codbixiyayaasha oo la sheegay inuu socon Doono Mudo 14 maalmood ah ama laba todobaad ah.
Kaadh bixinta ayaa sidii caadada ahayd waxa laga bixinaayay goobihii cayinaa ee hore laysaga diwaan galiyay iyada oo qof kasta oo hore isu diwaan galiyay laga rabo inuu tago goobtii uu iska diwaan galiyay ee Gobolka Saaxil halkaas oo uu gayn doono waraaqdii uu haystay ee cadaynaysay inuu isdiwaan galiyay kadibna uu qaadan doono kaadhkiisii codbixinta.