UCID France: Dadka oo la cabudhiyo awood ciidan oo loo addeegsado shacabka oo xuquuqdooda dastuur lagu tunto waxay astaan u tahay itaal Iyo Aqoon la aanta haysata dawlada.Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Faransiiska Maxamed Axmed Muuse
April 30, 2017 - Written by Berbera Today
Waana Jidka ay qaado dawlad Bilaa MABDA ahi. Dalku waxa uu ka soo doogay oo iminka uun KA soo baxay xayndaabkii colaada. Iyada oo UU dalku la Ciir ciirayo abaaro, dhaqaalo xumo, colaad, Iyo sixirbarar Iyo shaqo la Aan maaha in hadana shacabkii ay dhibtaasi haysatay laysugu daro cabbudhin, xadhig Iyo rasaas. WAXA aynu ognahay in dhamaan sharciyadii DALKANI lahaa Laga talaabsaday oo ooda Laga qaaday in dadkii SOMALIALND INTAY jirtayba KA soo horjeeday ay maanta DALKA Siday doonaan uga fushanayaan fiishankooda siyaasadeed ee ku salaysan DIB U CELINTA IYO FIKIRKII DHICISOOBAY EE DALKANI EEDAY Somali unity. Waa ayaan daro in dawlad dadkeedii KA badbaadin Kari wayday in ay KA xakamayso dagaalka dhaqaale Iyo xuduudeed ee kaga socda geeskasta in ay shacab keeda Iyo siyaasiyiinteeda ay xadhig Iyo dacwado raqiisa ula timaado oo ay ku qaado. Waxaanu guud ahaanba dhaliilaynaa nidaamka hogaamineed ee ay wado DAWLADA Iyo xisbigeeda is huwan ee Wada shaqaysta ee kursi jeclaysiga Iyo kursi doonka Iyo monopoly ga ku dhisan, AY u gaysanayso masuuliyiinta xisbiyada. Faraha halaga qaado siyaasiyiinta liisanka u haysta mucaaridada Iyo shacabka xoriyatul qawlka lagu haysto. DALKA yaan dib loo celin. Hadal Iyo dhamaan dal dhisan Iyo dawlad dhamaystiran ayaa laydin ku wareejiyee hadaad maamuli kariwaydeen bal baaqiqa uun halydunku yimaadee DALKA Iyo dadkaba u tudha Gudomiyaha XISBIGA Ucid LAANTIISA DALKA France Maxamed Axmed muuse. Allaa mahad leh.