Wiil U Dhashay Sucuudiga Oo Kelli Ugu Deeqay Inan Aanu Garanayn, Farriin Ay Twitter Soo Dhigtay Darteed
May 2, 2017 - Written by Berbera Today
Riyaad(Berberatoday.com)-In kasta oo barkulannada bulshada ee Internet ka lagu dhalleeceeyo ka qayb qaadashada wararka been abuurka ah ama xitaa runta ah ee xiisadaha abuuraya iyo faafinta dacaayadaha aan jirin, haddana waxaa marar badan la qirayaa in baraha bulshadu kaalin mug leh ka qaateen isku xidhka dunida iyo isu soo dhoweynta bulshooyinka oo hortood ay adkayd in ay si dhow u xidhiidhaan.

Sida oo kale waxa ay baraha xidhiidhka bulshada ee internet ku si weyn u caawiyaan barnaamijyada caawida ah oo inta badan ay fududeeyaan in dad tiro badan oo meelo kala duwan joogaa ay ka qayb qaataan ururinta dhaqaalaha tabaruca ah. Kaalintaas ay baraha bulshadu ka qaataan caawimada dadka dhibaataysanna waxaa tusaale u ah qisadan oo uu geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya.