Daawo Muuqalka”Fillim Ku Saabsan Taariikh Nololeedkii Iyo Doorkii Hoggaamineed Ee Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal
May 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Bahda warbaahinta madaxabannaan ee HIMILO MEDIA GROUP, waxay macaamiishooda sharafta leh ee kala ah kuwa sida joogtada ah u akhrista WARGEYSKA HIMILO iyo kuwa sida tooska ah ugu xidhan WEBSITE-KA HIMILOMEDIA.COM iyo YOUTUBE-KA.
haddaba, guud ahaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin waxay Himilo Media Group usoo bandhigayaan Fillim taariikhiya oo ku saabsan taariikh nololeedkii, doorkii hoggaamineed iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal, illaahay naxariistii janno hawgu deeqee.