War Deg Deg Ah”Askari Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Soomaaliya , Qaabka Loo Dilay Iyo Goobta Lagu Dilay .
May 5, 2017 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda khaaska ah
lagu dilay gudaha Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaalda Muqdisho.
Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.