“Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar Waxan Leeyahay Hacabanine Raac Amarka Xukumada Wixii Kugu Dhacay Ninkaaga Cali Shoonbe Ayaa Kuusoo Amaahdaye”Cabdinuur Xuseen Iimaan
May 7, 2017 - Written by Berbera Today
Waxan maanta Qalinka Uqaatay oo aan qoraakan yar ee Kooban fariin ugu dirayaa gabadha uu dhalay Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar ee Udhaxday Ninka Layidhaa Cali Shoonbe ee ka cabanaysay jid ama Wado Xukumadu ka xidhay iyada oo eedo culusna dusha usaartay Wasiirada Madaxtooyada iyo hawlaha Guud Iyo Wali Ganacsadaha Ina Faarax Xarbi.
Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar Waxan leeyahay aabaha Mujaahid buu ahaa dalka usoo halgamay ixtiraamna Waa loogu hayaa laakiin Maanta dalka waxa mujaahidiin ka ah Maxamud Xaashi Iyo Cali Mareexaan waxaana kula gudboon inaad ixtiraamto Mujaahidiinta Cusub ganacsadaha Ina Faarax xarbi ee aad ceebanaysana aad xajiinta ka dayso, Wadada ama Jidku waa Dan guud cidina malaha waxaana kugu waajib ah inaad amarka dawlada Ninkaagu madaxda ahaan jiray hadana kayahay aad raacdo oo aanad ka hor imanin.