berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Guddoomiye Cirro Oo Duleedka Hargeysa Ku Soo Booqday Qoys Danyar Ah Oo La Rafaadsan Dhibbaatooyin Ka Soo Gaadhay Abaaraha
May 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),

ayaa gurigiisa ku soo booqday qoys danyar ah oo la rafaadsan dhibbaatooyinkii ka soo gaadhay abaarahii dalka isla mar ahaantaana ku sababtay in hooyadii qoyskaasi ay u geeriyooto xanuunka shuban biyoodka halka aabahii qoyskaasi na uu indho darreeyey.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro iyo saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI oo ku wehelinaayey socdaalkan, ayaa duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa kula soo kulmey Macalin Axmed oo ah Aabaha qoyskaas dhibbaatadu soo gaadhay ka dib markii lagu soo baahiyey warbaahinta Somaliland oo uu warkooda ka helay, waxaana uu booqasho u damqasho sida oo kale na uu kula soo wadaagayo dareenkooda nololeed uu ugu tagay guriga uu degan yahay Aabo Macalin Axmed iyo qoyskiisu.

Image may contain: 1 person, smiling, sitting
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in uu yimaada guriga qoyska Macalin Axmed oo la rafaadsanaa dhibbaatooyinkii ka soo gaadhay abaaraha, waxaana uu sheegay in ay ka Xisbi ahaan ugu deeqayaan dhismaha guri ku meel gaadh ah oo ka sameysan dhisme sandaqad ah oo dhan laba qol iyo weli ba Taangigii biyaha iyada oo sida oo kale na uu gaadhsiiyey raashin iskugu jira sonkor, daqiiq, biyo iyo weli ba sida oo kale cuntooyinka fudud ee nafaqada ah.

Aabo Macalin Axmed oo isna hadlay, waxa uu sheegay in uu si aada ugu farxay booqashada guddoomiye Cirro isaga oo uga mahadceliyey gargaarkaas uu u soo fidiyey iyo weli ba sida oo kale isha naxariista ah ee uu ku soo eegay ,waxaana uu xusay in uu Alle uga baryaayo in uu muraadkiisa u fuliyo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka

https://youtu.be/9Rf7miessxw?t=218

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews