Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timi Xoghayahii Hore Ee Dawladda Hoose Deeq Xirsi Cambuur H
March 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi xoghayahii hore ee dawladda hoose oo imikana ka tirsanaa xisbiga WADDANI Alle ha u naxariistee Deeq Xirsi Cambuur oo maanta ku geeriyooday isla mar ahaantaana lagu aasay magaalada Hargeysa, ka dib xanuun uu jiifay muddooyinkii dambe.