“Madaxweynuhu Muu Ahayn Nin Musuq-Maasuq, Balse Fartiisa Ayaa Subaga Lagu Dhuuqay”Cabdirashiid Jaamac-dheri
May 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdirashiid Jaamac Dheri, oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa meel ka dhac iyo arin fool xun ku tilmaamay in Xukuumaddu Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali ka hor istaagto inuu gargaar gaadhsiiyo dadka degan deegaanka Caynaba.
Cabdirashiid Jaamac Dheri,ayaa sidoo kale sheegay in aanay wakhtigan haboonayn inuu Madaxweynuhu yidhaahdo musuq-maasuqa ha lala dagaalamo, balse wuxuu sheegay inay ku haboonayd wakhti hore,waxaanu taageeray is casiladii Guddoomiyihii Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagalaanka Musuq-maasuqa, waxaanu yidhi “Waa fool xumo in Xukuumaddu weji kale oo siyaasadeed u bedesho gargaarka, dawooyinka iyo taakulaynta dadka loo wado, in Xirsi iyo Weftiga Waddani loo diido inay galaan Caynabana waa meel ka dhac, waana ayaan daro halkii ay Xukuumaddu kaga farxi lahayd ama uga mahadnaqi lahayd cid walba oo iyadu gacan ka geysta taakulaynta iyo gurmadka bulshada,in weji kale oo siyaasadeed u dhigto”