Somali Laga Soo Mastaafuriyay Dalka Mareykanka Oo Muqdisho Soo Gaadhay Iyo Tiradooda
May 13, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Mudisho waxaa maanta ka soo cago-dhigatay Diyaarad sidday 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka
Saraakiisha socdaalka ayaa idaacada VOA u sheegay in dadka lasoo tarxiilay la diiwaangelinayo, Waxayna sheegeen in mas’uuliyiinta Maraykanku u sheegen Soomaalida in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.