Xadiga Lacag Uu Damacsan Yahay Inuu Lunsado Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Iyo Mooganaanta Wasiirka Biyaha
May 15, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Suxufi Sakaaro Oo Ka Mida Wariyaasha Rugcadaga Ee Ka Hawl Gala Gobolka Togdher Ayaa Qoraal Ubucdiisu Ahayd Heelidda Xog Ku Saabsan Mareeyaha Waakalada Biyaha Burco Oo Damacsan Inuu Lunsado Hanti Lacageed Oo Dhan Todaba Iyo Kontunkun Iyo Shanbaqol Oo Doller Ayaa Soo Gaadhsiyay Shabakada Wararka Ee HadhwanaagNews.com.
Qoraalkan Kooban U Suxufi Sakaaro Soo Gaadhsiyay Shabakada Wararka Ayaa U Dhignaa Sidan
Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Fadxi Axmed C/laahi oo beryihii u danbeeyay ku haftay Xilka uu u hayo Bulshada reer Burco ayaa beryhii ugu dabeeyay ku mashquulsanaa sidii u hanti uga urur sanlahaa Maadaama uu shaki wayn ka qabo inuu xilka waayo,waxaanay wararka aanu ka helayno Madaxda sare ee wakaalada Biyaha ay noo sheegeen inuu hada doonayo inuu
bangiga kala baxo lacag lagu sheegay 71,000 $ oo doolar taas oo uu ku sheegayo inuu magdhaw u siinayo dad shacab oo laga saaray guri ay wakaaladu leedahay oo hada laga dhisaayo xafiisyo loogu shaqeeyo wakaalada,wararka iyo xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in reerka gurigan laga saaray loo iibiyay Guri Sadax qol ah isla markaana loo siiyay Lacag dhan 13500 $ sadex iyo Toban kun iyo shan Boqol oo doolar halka uu maareeyaha wakhtigiisu dhamaanayo uu doonayo inuu lacagtaas ku sheego 71,000 kun oo oo doolar,Guri sadex qol ah ayaa loo iibiyay waxaana laga iibiyay ninka la yidhaahdo Guray sigaare waxaana loo siiyay 13500 $ waxaanu maareeyuhu doonayaa inuu kula baxo lacag dhan 71000” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha Wakaalada Biyaha Burco oo magaciisa ka gaabsaday in warbaahintu xusto.