Kuuriyada Waqooyi Shaacisay Inay Wada-hadal La Geli Doonto Maraykanka
May 15, 2017 - Written by Berbera Today
Piayayong(Berberatoday.com)-Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warantay in Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay wada hadal la geli doonto Maraykanka “hadii duruufuhu saamaxaan.”
Ka dib markii uu kula kulmay saraakiil hore oo ka tirsanaa dawladda Maraykan dalka Norway, ayaa dublamaasi sare oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi sheegay in wada hadal maamulka Trump lala galaa suurto gal yahay.