Murashaxii Lagaga Guulaystay Doorashadii Faransiiska Oo Markii Natiijada Ay Ogaatay Dhaqso U Tagtay Goob Lagu Jaaso Si Ay Isu Dhaafiso Murugada
May 17, 2017 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Isbahaysiga Waddaniga ah ee dalka Faransiiska oo ahayd murashaxii siyaasadaha midigta xagjirka ah aaminsanayd ee toddobaadkii hore lagaga adkaaday doorashadii madaxnimada Faransiiska ayaa la sheegay in murugadii guuldarradeeda ay isku illowsiisay jaas iyo muusig.
Le Pen guul darro weyn kala kulantay wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha dalka Faransiiska, kadib markii siyaasiga 39 jirka ahaa ee aan xisbiyada la yaqaanno ku soo jirin Emmanuel Macron uu kaga adkaaday boqolkiiba 66 codadkii doorashada, sidaasna ku noqday madaxweynaha Faransiiska ee beddelay Francois Hollande. Marine Le Pen oo 48 sano jir ah ayaa markii warka guuldarradu soo gaadhay waxa ay xanuunnka jabka isku dhaafisay in ay tagto xaflad jaas oo ka socotay goob lagu cawaynayo, oo ay ka baxayeen heeso caan ka ah dalkaas.