Meeday Lacagtii Miisaaniyada Ugu Jirtay 18ka May Maxase Xukumadu Ku Darsanaysaa 10 milyan ee Dadka Abaaruhu Saameeyeen Loo Ururinayo”W/Q Cabdikariin Axmed Mooge
May 18, 2017 - Written by Berbera Today
Mashruuca ka soo kabashada abaarta waxa ku bixi doona 10 milyan oo doolar, lacagtaas 6.5 milyan ka mida waxa laga soo ururinayaa shacabka Somaliland, 2 milyanna waxaa inoogu deeqi doonta DP world, 1.5 milyanna waxa inagu caawin doonta dawlada imaaraadka=10 milyan!! Wasiir cadaani ayaa sidaas yidhi!
Hadaba waxa su’aashu tahay maxay xukumada Somaliland ku darsanaysaa iyadu 10ka milyan? Meeday lacagtii misaaniyada ugu jirtay 18 May xuskeeda oo loo joojiyay wax ka qabashada abaaraha? Maxa 15 milyan ee xaqul qalinka ee DP world oo ka baxsanaa miisaaniyada qaranka lagu duwi wayay wax ka qabashada abaaraha? !!!