berberatoday.com
Ciidanka Asluubta Oo Lacag Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Kuna Wareejiyey Guddida Taakuleynta Abaaraha
May 20, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddoomay qadar lacageed oo dhan  70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shillinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhammaan ciidanka Asluubta ee Somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi  “Madaxweyne ku-xigeen  waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825,000 SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen”.

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi kalmad mahadnaqa ka jeediyay ayaa yidhi “Aad baan ugu mahad celinayaa Ciidanka Asluubta Somaliland oo si naxariisi ku dheehan tahay isaga soo ururiyay lacagtan, marka loo eego dadkeenii abaaruhu saameeyeen waa wax weyn lacagtani, inagoo ogsoon lacagta ay qaataan ciidankeenu haddana waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko iyagoo gurmanaya”. ayuu yidhi Madaxwayne Ku-xigeenka JSL.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews