“Ictiraafku Wuu Iman’e Isku Duubnaadda”Suldaan Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi
May 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ictiraafku iman doono, isla markaana loo baahan yahay in dadka reer Somaliland isku duubnaadaan. “Ictiraafku wuu iman’e isku duubnaadda” ayuu yidhi Suldaanku.
Intaa ka dib wuxuu Suldaanku ka waramay xaaladiisa caafimaad, ka dib markii uu safar caafimaad oo qaatay muddo ku tegay dalka Itoobiya waxaanu yidhi. “Al-XAMDULI-LAAH ILAAHAY ayaa mahad leh, waan Caafimaaday oo waanigii Caafimaad ugu maqnaa muddooyinkii ugu danbeeyey dalka Ethiopia, gaar ahaan Magaalada Adis-ababa, waan soo ladnaaday oo shalay ayaan dalka dib ugu soo noqday.- waa lay aqbalay ducadii ay shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibada-ba Igu soo duceeyeen inuu ILAAHAY Icaafiyo ILAAHAY ajar iyo xasanaad ha ka siiyo.”Ayuu yidhi Suldaan Xasan oo caawa u waramayay Shabakada Hayaannews.