Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Walaacsan Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada
May 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo in dib u dhac mar kale ku yimaado doorashada madaxtooyada ee qorshaysan November 2017.
Waxa uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble sidan ku sheegay warasi gaar ah oo uu siiyay Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka HCTV, shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay dareen yeeshaan oo dalkooda ka war hayaan, waxaanu isagoo doorashada ka hadlaya uu hadalkiisa ku bilaabay “Ilaa iyo imika doorashadii inkasta oo gudida doorashadu hawshii si fiican u wado oo Berbera iyo Booramaba ay kaadhadhkii si fiican u qaateen haddana ilaa hada qaadhaankii ay xukuumadu balanqaaday lagama hayo oo afartii milyan ee dollar ee doorashada lagama hayo aad iyo aad ayaanu uga warwarsanahay.”