dhalinyaradu waxaay gacan ka geesteen doorashadii kulmiye ku guulaystay waxaana ku taageernay Maal iyo Naf iyo wax kasta oo la heli karo loona dhiibay Gabi ahaanba somaliland Waxa La joogaa Xilligii ay Dhallinyaradu La Wareegi lahayd Hoggaaminta Qaranka, Dhalinyarda dalku waxaay u bahaanyihiin isbadaal laa mahaadiyo dal iyo dibaadba waxyaabaha ku kalifaayaa inaay maanta ku baaqan isbadalka wax ka mid ah 1. Nabadgalyadii oo xumaatey, oo soo Celina u baahan. 2. Dhaqaalihii oo wiiqmay wax ka qabadna u baahan si loo soo kobciyo. 3. Horumar oo aan jirin u howl gal la’aan awgeed. 4. Gobalada ka maqan somaliland oo soo celin u baahan, iyadoo loo marayo hab wada xaajood iyo mid wada tashi oo ay yeeshaan dadka somaliland, oo ah sidii xalku ku jiro. 5.qabyaladii iyo eexdii oo abuurantey una baahan in xal loo helo, 6. Jiha siyaasadeed oo aan jeexnayn ( Political direction). 7. In la helo qaab ku dhisan xukun wanaag Dimuqaraadi ah ( Good govermence) 8. Majare u dhigida mustaqbalka somaliland ( Foundation stone for the somaliland future). 9. Shaqo u abuurid la’aan dhalinyarada suuqa ku daadsan, oo loo baahnaa in loo abuuro xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan, taas oo kaabi lahayd nolashooda. Haddaba waxaa hubaal ah oo waliba marag ma doon ah inuu xisbiga kaliya ee isbadal doonku yahay xisbiga WADANI , sababtoo ah maanta xisbiga WADANI waxa safka hore ugu jira madax nadiif ah oo lagu Baartay Waxqabaad , waa madax ka saliim ah dagaaladii sokeye ee dalkeena ka dhacay, waa madax sidata inta badan baasaaboor caalami ah oo aan dibada xiiso u qabin oo dalkooda u soo boholyooday sidii ey ugu shaqeyn laayeen, waa madax caalamka gaadhsiin karta kana biyo dhiijin doonta ictiraafka eynu rabno, runtii waa Nimaan an qabyaalad iyo goboleysi midna ku dhaqmin Waxan leeyahay maanta wuxu dalku u baahan yahay badbaado, haddii ad u codkiina u hurtaan WADDANI waxa hubaalah inuu dalku badbaadi doono 100%, hadiise ad u codeysan Kulmiye iyo Ucid u diyaar garooba inuu dalku sadex qeybood u kala go’o, runtii waa saada lada ka soo muuqata labada xisbi ee muranka iyo aargoosigu dhexmiranayo, waxaan leey ahay shacabka soomalilandnoow DAB IYO DAGAX LA ISKUMA DHUFTEE KALA DHawRAY, haddii ad codkiina siisan Ucid waad khasaarteen, haddii ad siisan KULMIYE waa kadar oo dibi dhal oo niman ciil iyo cadho qabaad dalkii gacanta u galiseen, maanta dalkeenu uma baahna AARGOOSI iwm, wuxu dalkeenu u baahan yahay badbaado, runtii badbaadaduna waxey ku jirta codkaaga oo ad siiso xisbiga Dhalinyarda ee WADDANI,
A/rahman Hassan Ali Hayste G/ Xigeenka Labaad
ee Xisbiga Waddani Germany