|
berberatoday.com
“Qumanaanta goortii la qubay rag isu qashaartay Ee qiilka loo maray qabiil qaranku waydooye Qudhaanjada sideedii markii qoloba meel aaday Qoysnimada goortii xusbiyo laysku kala qaybshay Qiimaha markii laga qadee qurux la naafeeyaay W/Q Saed Hassan Ali Sabca
May 24, 2017 - Written by Berbera TodayQumanaanta goortii la qubay rag isu qashaartay Ee qiilka loo maray qabiil qaranku waydooye Qudhaanjada sideedii markii qoloba meel aaday Qoysnimada goortii xusbiyo laysku kala qaybshay Qiimaha markii laga qadee qurux la naafeeyaay Qarandida raggii qaayibee qudhunka meelaystaay Iminkaay qasaareen markay qolo ku faaneene Qiimayn malaha qaayalloo sharaf qasaasilee Waxay qarinayeenba rabbigu qeexay marag li.iiye Ayagoo qalalayba sidii qaatil dhuuntaane Iminkaay is qariyaan markay qiil u waayeen Inkastoo qabaan quudhsigiyo qadaf ka diirayiin qalbigiisu waligii qab galiin rag isku qiimeeyo Maqsadkiisu qado lagu kulmiyo qaadka weeyaane Muxu qolo fogeeya ilaay maanku waa qolofee Iimaanku waa qani markaad qaayo leedahay Asagoo qorshaha meel ku furiin wuu qarmacayaaye Raqada lagu qabtaabu sidii dhidar qalaadaaye Bulshadana naxluu quudiyaa qaana taliyaaye Asagoo qasaara ayuu qadan ismoodaaye Asagaa qushuuc beena iyo taash is qaayidee Qayalkuba markuu qoodh isbidoo qaalinbaa dillee muxu qolo fogeeyaa ilay maanku waa qolofee
Saed Hassan Ali SabcaCOMMENTS
|
||||
|