Siyaasiga Axmed Muumin Seed Oo Sheegay In WADDANI Looga Baxayo Guddoomiye CIRRO Oo Aan Go’aan Qaadasho Lahayd Awgeed
May 25, 2017 - Written by Berbera Today
“Saaxiibkay Cabdiraxmaan-Cirro waa Nin wanaagsan, laakiin waa Nin aan Go’aan Qaadasho lahayn….” Seed
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Axmed Muumin Seed oo hore uga mid ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, imikana ka mid ah Saraakiisha Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa fasiraad ka bixiyey Sababaha uu u maleynayo in Taageerayaal badan oo ka mid ahaa WADDANI uga baxeen Xisbigaasi.
Axmed Muumin Seed oo WADDANI ka baxay markii uu saluugay Doorashadii Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI oo loo doortay Musharrax isaga kula tartamayey, ayaa sheegay in Sababta Taageerayaal ka mid ahaa WADDANI ay uga baxeen isla-markaana ugu biireen Xisbiga KULMIYE ay tahay Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu sheegay inaanu Go’aan Qaadasho lahayn.