“Aniga Iyo Siilaanyo Waanu Heshiin Karnaa, Laakiin Shacabka Somaliland Waxaanu Diyaar U Ahayn Siilaanyo Kuma Qasbi Karo”Cali Khaliif Galaydh
May 27, 2017 - Written by Berbera Today
Hoggaamiyaha Khaatumo Oo Hargeysa lagu waydiiyey in Dawladda Soomaaliya Ciidamo ka qoranayso Deegaanno Buuhoodle Ka mid tahay
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay sheegayey in Dawladda Federaalka Soomaaliya bilowday inay Ciidamo ka Qorato Deegaannada Bariga Somaliland oo ay Buuhoodle ka mid tahay.
Cali Khaliif Galaydh oo Telefiishanka HCTV Wareysi ku siiyey Magaalada Hargeysa oo uu Safar ku yimid Toddobaadkan, ayaa sheegay inaanu ogeyn Wax Ciidamo ah oo Dawladda Federaalka Soomaaliya ka qoranayso Buuhoodle iyo Deegaannada ku dhow, oo taa beddelkeedana ay jiraan Hawlo Dawladda Soomaaliya uga Muhiimsan inay Xilligan Ciidamo qortaan.