Socodku Waxa Uu Wanaajiyaa Oo Xoojiyaa Caafimaadka Maskaxda Iyo Wadnaha Qofka
May 31, 2017 - Written by Berbera Today
Cilmibaadhis(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa gaadhay natiijo tilmaamaysa in socodka xawaarihiisu dhexdhexaadka yahay uu yareeyo xaaladaha caafimaad ee dhaawaca ama daciifiya shaqada iyo heerka faham ee maskaxda, sababta ugu weynina waa xididdada dhiigga maskaxda gaadhsiiya oo xidhmaya ama sidooda aan u shaqaynayn.
Xeeldheerayaal u dhashay dalka Kanada oo cilmibaadhistoodan ku faafiyey Joornaalka Sports Medicine ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in dadka ay tijaabada ku sameeyeen kuwooda aan caadada u lahayn socodka jimicsiga ah ay ahaayeen kuwa fahamkooda ama baraarugsanaantooda maskaxeed aad u hoosayso, taas oo ah xaaladda mararka qaarkood lagu magacaabo asaasaq ku dhaca fahamka iyo wacyiga maskaxda, waxa aanay si guud u xoojisaa caafimaadka maskaxda.