Daawo Muuqalka”Hargeysa Oo Laga Bilaabay Olole Nadaafadeed Oo Lagaga Hor-tagayo Cudurrada Ka Dhasha Xili Roobaadka
June 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa bilowday Olole Nadaafadeed oo lagaga Hor-tagayo in Cudurrada Faafa ee dhasha Xilli Roobaadku ka dillaacaan Caasimadda Somaliland.

Ololahan oo ku soo beegmay Xilli uu Magaalada Burco ka dillaacay Cudurka Shuban-biyoodka isla-markaana uu Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ku dilay Dad gaadhaya 30 Qof, ayaa Dawladda Hoose ee Hargeysa sheegtay inay uga Gol leedahay sidii looga gaashaaman lahaa in Cudurkaa ka dillaacay Burco uu ku soo fido Hargeysa iyo in laga hor-tago in Cudurro kale dillaacaan.