berberatoday.com
Urur Caalamiya Oo Xuquuqada Iyo Xoriyada Hadalka Udooda Oo Cambaareeyay Xadhiga Sharcidarada Ah Ee Wariye Maxamed Aadan Dirir Uu Mudada Todobaadka Ka Badan Uxidhanyahay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye Iyo Baaq Ay Usoo Direen Xukumada Siilanyo
June 2, 2017 - Written by Berbera Today
Masuuliyiinta Somaliland waa inay si dhaqso ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan suxufi Maxamed Adan Dirir”Committee to Protect Journalists
Hargeysa(Berberatoday.com)urur udooda Xuquuqal Insaanka iyo Xariyada hadalka ayaa qoraal dheer oo ay ku dalbanayaan in xoriyadiisa loosoo celiyo Wariye Maxamed Aadan Dirir soo saaray Qoraalkaas oo ku qoran English oo aanu isiin soo turjunay waxa uu udhignaa sidan”
Committee to Protect Journalists: Masuuliyiinta Somaliland waa inay xoriyadiisa u soo celiyaan Maxamed Adan Diriri, tafatiraha Horseed Media, ayaa lagu yidhi qoraal uu soo saaray ururka caalamiga ah ee u dooda xuquuqda suxufiyiinta, Committee to Protect Journalists (CPJ). Maxamed waxa la xidhay iyada oo aan wax eed ah lagu soo oogin kadib markii 24kii May uu su’aal waydiiyay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise oo shir jaraa’id qabtay. Guleid Ahmad Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, wuxuu u sheegay CPJ in su’aasha Maxamed ay ku saabsanayd wax qabadka wasiira islamarkaana loo fahmay inay u jeedo in shaqada wasiirka uu curyaamiyay khamriga oo ka ah mamnuuc ah Somaliland. Bogga Alleastafrica.com wuxuu ku waramay in Saleebaan ka cadhooday su’aasha Maxamed oo uu armay markiiba in la xidho suxufiga. Guleid wuxuu u sheegay CPJ in Maxamed ku xidhan yahay Qaybta Dembi Baadhista (CID) iyada oo aan eed lagu soo oogin. “Xadhiga Maxamed Adan Dirir iyada oo aan wax eed ah lagu soo oogin waxaay ka soo horjeedda xuquuqaha dastuuriga ah, waxaayna muujinaysaa in madaxda u saraysa dawladdu ay aaminsan yihiin inay ka sareeyaan in su’aalo la waydiiyo,” ayay tidhi Isku duwaha CPJ ee Barnaamijka Afrika, Angela Quintal. Masuuliyiinta Somaliland waa inay sida ugu dhaqsaha badan xorriyadiisa ugu soo celiyaan Maxamed ayna joojyaan isku dayga ay kaga hortegayaan in suxufiyiintu ay qabsadaaan shaqadooda. CPJ waxaay sheegtay in wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo ay telefoonka ku raadiyeen inaanu u jawaabin. Guleid wuxuu u sheegay CPJ in isku dayga dawladdu ay ku doonayso inay cadaadiso suxufiyiintu uu sii kordhayo. Bilihii u danbeeyey CPJ waxaay diiwaangelisay xadhig iyo hayn loo gaystay suxufiyiinta Somaliland oo ku dhawaaqday 1991 inay ka madax banaan tahay Somalia.
Linkska Ku dhufo si aad u akhrisato warbixinta oo luuqada English ku qoran

Somaliland journalist held without charge for asking question at press conference

June 1, 2017 4:39 PM ET

New York, June 1, 2017–Authorities in the semi-autonomous region of Somaliland should immediately release Mohamed Adan Dirir, the editor of the online news portal Horseed Media, the Committee to Protect Journalists said today. Mohamed has been jailed without charge since Somaliland Health Minister Saleban Isee ordered police to arrest him after he asked a question at a May 24 press conference.Guleid Ahmad Jama, chairman of the Human Rights Center in Somaliland, told CPJ that Mohamed’s question was critical of the minister’s performance, and implied the minister’s work may have been impaired by alcohol, which is banned in Somaliland. The news website Alleastafrica.com reported that Saleban was angered by Mohamed’s question, and promptly ordered police to arrest the journalist. Guleid said Mohamed was detained without charge in the Criminal Investigation Department in the capital Hargeisa.The Somaliland constitution requires authorities to charge or release suspects within 48 hours of their arrest.”Mohamed Adan Dirir’s detention without charge flies in the face of his constitutional rights and suggests that this government’s most senior officials believe themselves above questioning,” said CPJ Africa Program Coordinator Angela Quintal. “Authorities should release Mohamed immediately and stop trying to prevent journalists from doing their work.”Somaliland Information Minister Osman Abdullahi Sahardid did not respond to CPJ’s phone calls or text message seeking comment.Guleid told CPJ that the Somaliland government’s attempts to suppress the media are increasing. In recent months, CPJ has documented the arrest and detention of multiple journalists in the territory, which declared independence from Somalia in 1991.

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews