“Sababta Saldhigyada Milatari Caalamku Uga Furtay Jabuuti Waxaa Kamida Mushkiladaha ka Jira Yemen Iyo Somaliya”Madaxwayne Geelaha Jabuuti
June 5, 2017 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com0-Madaxweynaha dalka Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sharaxay sababaha dalkiisa u fududeeyay inuu hoy u noqdo saldhigyo milatari oo ay leeyihiin quwado shisheeye.Madaxweyne Geele, oo la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa saldhigyada milatari ee dalkiisa iyo sida ay uga qaataan degenaanshaha mandaqada wuxuu yidhi “Waa run in dalkayagu hoy u yahay saldhigyo milatari oo badan oo ay leeyihiin quwado shisheeye, waxaanay ku doorteen dhawr qodob. Ta; u horaysa Djibouti waxay ku dhowdahay dhawr deegaan oo ay adduunyadu u aqoonsantahay meelo khatar ah oo laga xusi karo Soomaaliya iyo Yemen. Waxa sidoo kale aanu saaranahay mid ka mid ah marinbiyoodyada ugu mashquulka ugu badan dunida. Ammaanka Baabal-mandab iyo baahida loo qabo in lala dagaalamo argagixisada ayaa ah sababta ay dalalkan shisheeye saldhigyadooda uga samaysteen Djibouti. Laakiin dalkayagu dalalkan iskama siiyo saldhigyada si saaxiibtinimo leh. Waxaanu si buuxda ugu lug leenahay dedaalada ka dhanka ah argagixisada iyo budhcd badeed gacanka cadmeed.”