berberatoday.com
Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo ka waramay Shaqsiyaddii Alle ha u naxariistee Marxuun Mujaahid Ooto Biixi
June 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo ka mida Saraakiisha sar-sarre ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto), habbeenkii Xalay aas qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeisa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland.
xuseen aadan cadde2
Md. Xuseen Aadan Cadde waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii isugu horraysay isaga iyo Marxuunka, waxaannu ka waramay xilligii uu Alle ha u naxariistee Marxuun Mujaahid Maxamed Biixi Caalin(Ootto) uu ka mid noqday Saraakiishii xaqu dirirka ahaa ee SNM, waxaannu yidhi  “Markii iigu horraysay Alle ha u naxariistee Marxuun Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto), ahayd 1983-kii.

Wakhtigaas waxaannu iskugu nimid Dugsigii tabbabarka Ciidanka SNM ee Baabulli. Markii aannu Dugsigaas ka baxnay ee aannu dhammaysannay tabbabarkii Ciidanka Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin waxa uu ka mid noqday qaybtii galbeedka, waxaannu ahaa wakhtigii halganka dhalinyaraddii ugu firfircoonnayd.

Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Biixi Caalin waxa uu ahaa Nin cidkasta la saaxiib ah oo Kaftan badan. Alle ha u naxariistee Mujaahid Ooto waxa uu ahaa Shaqsiyad balaaqiya oo hadal yaqaan ah oo sheekaawiya oo aannad mar qudha agtiisa ku caajisayn. 1988-kii aniga iyo Saaxiibkay Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto), waxaannu ka mid noqotay hawl-galkii guda-galkii Hargaysa, waxaannu Marxuunku ka mid ahaa qaybtii Tiknikadda.

Aniga iyo Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin waxaannu ahayn dad saaxiib ah ilaa 1983-kii ilaa maanta oo uu god-galay isku xidhnaa oo iska war hayay, waxaan 1989-kii aan u ahaa Malxiiskii arooska. Alle ha u naxariistee Mujaahid Ooto waxa uu ahaa Nin aan qarsan waxa uu aaminsan yahay, waxa uu ahaa Nin aaminsan wixii uu ka dagaalamay, isla markaanna waxa uu necbaa inuu arko wax u eg wixii uu ka dagaalamay ee uu Naftiisa u bixiyay.

Mujaahid Xuseen Aadan Cadde waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto)  mujaahid naftiisa iyo dhiiggiisaba u soo huray dib-u-xorayntii dalka iyo dadka reer Somaliland, isla markaana ka qayb-galay halgannadii hub-ka-dhigista iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews