Hoggaamiyaha WADDANI Oo Caawa Kulan Afureed Loogu Magac Daray FOORAHA GUUSHA WADDANI U Sameeyey Dhallinayarada Xilalka Kala Duwan Ka Haysa Xisbigaasi
June 13, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan afur ah oo looggu magac daray Fooraha Guusha WADDANI isla mar ahaantaana hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku maamusayey qaar ka mid ah xoogaga dhallinyarada Xisbigaasi ee xilalka kala duwan ka haya, ayaa caawa ka qabsoomay hotel Ambassador ee Hargeysa.
Kulankan oo afurkii ka dib qaatay muddo saacado ah, ayaa ujeedkiisu daarnaa siddii dhallinyarta Xisbiga WADDANI ay cudud ahaan iskugu tiirsanaan lahaayeen sida oo kale na door muuqda uga qaadan lahaayeen siddii ay ka dhallinyaro ahaan u muujin lahaayeen awoodooda si loo xaqiijiyo guusha uu Xisbiga WADDANI rajeynaayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa bilo ka dib.