berberatoday.com
Xoghayaha Degmada Berbera ee Xisbiga Waddani Aqoonyahan Ismaacil dheeg oo Sida Fiinta uga qayliyey dhaxal wareejinta Hantida dadka ee Berbera, kuna Tilmaamay Boob badheedh ah oo Xukuumadda Siilanyo ku hayso Magaaladda Berbera.
June 13, 2017 - Written by Berbera Today

Xoghayaha Degmada Berbera ee Xisbiga Waddani Aqoonyahan Ismaacil dheeg oo Sida Fiinta uga qayliyey dhaxal wareejinta Hantida dadka ee Berbera, kuna Tilmaamay Boob badheedh ah oo Xukuumadda Siilanyo ku hayso Magaaladda Berbera….

Aqoonyahan Ismaaciil –Dheeg 
XOG HAYAHA DEGMADA BERBERA EE XISBIGA WADANI
Waxaan camabaraynayaa macadam boobka ka dillacay gobolka saaxil
MACDAN BOOBKA KA DILAACAY BUURALAYDA MIRIDHO EE DEGMADA MANDHEERA IYO DAREENKA SHACABKA FOOJIG
Miridhuhu waa degaan buuralay ah oo macdanta hodan ku ah kana tirsan gobolka saaxil gaar ahaana degmada mandheera waxana uu ku dhawaad 43km dhanka galbeed kaga began tahay magaalo madaxda gobolka saaxil ee Berbera, waxana ay u dhaxaysaa tuulooyinka LAFARUUG  iyo XAMAAS, miridhuhu waa deegaan ay ku teedsanyihiin buuro aanu dhererkoodu aad u dhaadheerayn kuna caana macadanta noocyadeedka kala duwan.
Istaraatiijiyad ahaana miridhaha waxa lagu tiriyaa goobihii muhiimka ahaa ee lagu wiiqay ciidankii calooshood u shaqaysta yaasha ahaa ee siyaad bare iyada oo aan ka fogayn goobtii uu iska hor imaadkii ugu culslaa ka dhacay ee “wadhka” halkaasi oo si laxaadle loogu jabiyey ciidankii faqashta. Isla markaana dadka ku dhaqan deegaanka ayaa kaalin laxaadle ka qaatay jabintii ciidankii calooshood u shaqaystayaasha ahaa ee maxamed siyaad bare iyada oo lagu tiriyo dadka degaankan dad aad u jecel wadaniyada ahna dad aad u foojig.
Hadaba maalintii doraad oo ay taarikhdu ku beegnayd 11/6/2017 ka ayaa shirkad Turkish ah oo ay hogaaminayaan laba shaqsi oo calooshood u shaqaysta yaal ah oo midkood yahay gudoomiyaha shirkada is gaadhsiinta Telesom faracadeeda gobolka saaxil Mustafe Cali Cumar kujoog isla markaana ay dabada ka riixayaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadeena murdiso gaar ahaana masuuliyiinta gobolka saaxil ayaa bilaabaya inay si dhuumalaysi ah u fadhataystaan macdanta tihin ee buuralayda miridho nasiib wanaag waxaa si laxaadleh oo ay muwaadinimo ku dheehan tahay shuftadaa uga hor istaagay buuralayda shacabka ku dhaqan deegankaa oo caanku ah geesinimo iyo foojignaan iyada oo maalintii kowaad ee ay rabeen inay hawsha bilaabaan ayaa waxa la kulmay  odayaasha degaanka si degena ugu sheegay inay hawshaa joojiyaan laakin calooshood u shaqaystayaasha ayaan u dheg dhigin hadalka odayaasha taas oo keentay in shacabkii deegaanku si mugleh uga horyimaadaan kadib gorgortan iyo isku dhac laxaadle waxa goobtii laga caydhiyey shuftadii walo aanay ka fogaanin goobtii ee ay dib u gurasho sameeyeen iyada oo ay nimankii hawshaa faraa kula jiray wadaan shirqoolo kale oo ay rabaan inay dib u bilaan hashii deegaanka miridhaha.
Markii ay soo dhamaadeen dhul boobkii goobahii muhiimka ahaa ee gobolka saaxil ayaa loo soo jeestay fadhataysiga macdanta ku duugan gobolka saaxil gaar ahaana degaankan miridho.
Hadaba waxaan talo kusoo jeedin lahaa in xukuumada wakhtigeedu sii dhaamanayo ay ka waantawdo hanta boobka iyo fadhataysiga khayraadka dabiiciga ah (natural resources) si aanay u imaanin isku dhacyo sabab khalkhal amaan daro oo shacabka dhex yimaada.
QORE: ISMAACIIL CABDILAAHI CILMI (DHEEG)
XOG HAYAHA DEGMADA BERBERA EE XISBIGA WADANI
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews