berberatoday.com
Hadii La Is Ixriraami Waayo Laysna Arki Waayo Waa La Tashan, Waana Inaad Muujisaa Waxaad Tahay Iyo Waxaad Goosan Karto”Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Kaluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil
June 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimihii Hore Ee wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Aqoonyahayn Cabdiraxmaan Cawil Ayaa Barta Uu Ku Leeeyahay Faicebook Wuxuu Dareen Ka Muujiyay Markii Kowaad Beesha Uu Kasoo Jeedo Oo Xukuumada Siilaanyo Indhaha Ka Lalisay, Una Diiday In Aay Wax Xilla Umagacawdo Tan iyo Intii Uu Xilka Ka Tagay Ama Aay Ka Qaadeen Isaga, Fariintan Ayaa U Qornayd Sidan
Dalkan iyo Dowlasnimadaba waxaa loo Soomaray Halgan dheer oo dhinac walba leh Haday dhiig Tahay iyo nafloohuroba , ama maskax iyo maal intaba ,
Beesha Aan ka soo jeedaa waxay kaga jirtaa foolaadka Halgankaa dalkan Loosoo Galay,
waana marg madoon Hadaba maanta in ay beeshaydu ka madhnaato ama aan la ixtiraamin ma geydo waa markii ugu hotaysay ee aan beel ka hadlo, hadii aad xishooto oo lagaa xishoon waayo taa macneheedu waxa weeye in aad tashato oo aad tusto waxaad goyso iyo cida aad tahay,
Taladeedana waanu leenahay dulqaad iyo Samir Danbena wuu Naga dhamaaday waxaynu Eegi halka ay ku biyo shubato si dhakhso ah bi idmillaah
Mr Cabdi Raxmaan Cawil Ayaa kamid ahaa Dhalinyardii halganka ka Qayb Qaatay Naf iyo Maalba u Huray, Waxaanu Kamid Ahaa Dhalintii waqtigu u Saamaxay ee Qurbaha wax Kusoo baratay , Kahor Intii Aanu Ku Biirin Xisbiga Kulmiye sanadihii Uu Mucaaradka Ahaa oo Uu Siwayn Ugu Olalayn Jiray Qurbaha iyo Gudahaba,
Xkuumadii u Horaysay Ee Siilaanyo Soo Dhiso Ayaa laga Dhigay Agaasime Guud, Laakiin Nasiib Daro Lama Siin Jaanis Uu Umadan Ugu Shaqeeyo, Muddo Kooban Gudaheed Ayaana Xilkii Laga Qaaday Iyadoo Wax Sababa Aan Loo haynin ,
Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cawil Ayaa Doodiisu u Dhacaysaa Hadii Kulmiye iyo Xukuumadiisu Qiimayn Waayeen Beeshiisa in Aay Ka Hillaaci Doonaan Meel Looga Baahan Yahay, oo Ah XISBIGA WADANI
Mr Cabdi raxmaan Ayaa Kasoo Jeeda Beel Miisaan Ku Leh Gobolka Saaxil ,Malmaha Soo Socdana Waa Loo Joogaa Wixii Dhaca
Berberatoday.com
COMMENTS
|