Dowladda Maraykanka Iyo Tan Sucuudiga Oo Dhawaan Ku Heshiiyay In La Cidhib Tiro Fekerka Wahaabiga/Salafiga Ah Ee Dagaalada Iyo Qarbudaadda Badan Dhaliyay W/Q Mohamed Adaani Daawo Muuqal
June 22, 2017 - Written by Berbera Today
Dowladda Maraykanka iyo tan Sucuudiga ayaa dhawaan ku heshiiyay in la cirib tiro fekerka Wahaabiga/Salafiga ah ee dagaalada iyo qarbudaadda badan dhaliyay. Dowladda Sucuudiga ayaa soo saari doonta kutubo cusub oo beddeli doona kuwii ay horay ugu faafisay dunida Muslimka. Waxaa kaloo ay masaajidda iyo meelaha lagu barto diinta ka faarujin doontaa kutubihii hore. Waxay dowladda Sucuudigu soo tababari doontaa wadaada cusub, oo la jaan qaadi kara qarniga 21-naad, kuwii horana filinkooda ey ayaa cunay! Hadalka oo faah-faahsan ka daawo fiidiyowgaan. Waa tii 21 iyo 22 bishii May aan idinla wadaagay laba qormo oo aan idinkugu sheegay in faafinta fekerka Wahaabiga ah ay iska kaashadeen Maraykanka iyo Sucuudiga oo dana gaar ah kalahaa waagaa, haddana ay ayagu ka takhallusi doonaan maadaama dantii laga lahaa laga gaaray. Wadaadadii nagu madax wareeriyay Sucuudigu waa dowladdii towxiidka iyo shareecada war kale ayaan ka sugaynaa maanta. Mase wax walba oo dhankaa iyo dowladda Sucuudiga ka yimaada mar walba diinta ayay waafaqsan yihiin?