|
|
|
berberatoday.com
Xunkunkiisi Iyo Maamulkiisi Dawladnimo ,Maxa Lagu Xasuusan Karaa Madaxweyne Siilaanyo”W/Q Xamse Yuusuf Xoorxor
June 22, 2017 - Written by Berbera Today
Xunkunkiisi Iyo Maamulkiisi Dawladnimo ,Maxa Lagu Xasuusan Karaa Madaxweyne Siilaanyo”W/Q Xamse Yuusuf Xoorxor

Umad waliba aduunyada waxa ay leedahay dad taariikhdeeda iyo qayimkeeda dadnimo ku sawirantahay,ama si weeyn looga xasuusto umada dhexdeeda,waxaynu ognahay madaxweyne siilaanyo ,in 50sanno Ee ugu dambeeyay umadan u haneeyay naftiisa,halagan hubeysan iyo mid dimuquraadiyeedba uu usoo huray,yartahayna in la helo wakhti uu. Dantiisa shaqsi ahaaneed galiyay,halka qaar badan oo aqoonyahankeena ka midi,ay tooda galiyeen,hadaba,waxyaalaha dawladnimada ku weeyn. Ee aan sinaba loo tirtiri karin Ee uu sameeyay mudadii uu xilka hayay ayaan rabaa inaan dhawr ka taataabto, FURISTII AXSAABTA SIYAASADDA,run ahaanti may ahayn arin fudud in umad aan aqoon badan u lahayn,nidaamka axsaabta loo furo oo weliba iyadoo nidaamki qabiliga ahaa uu xoog leeyahay ,la rabo in sadex xisbi qaran laga soo saaro,oo weliba ay khatar ku keeni karto in xitaa xisbi xaakimka la reebo,run ahaanti arin cadaalada oo aan ka dhici karin dunida inteeda badan ayay ahayd,waana ta keentay in dawlaha dimuquraadiga ahi ay ogaadaan ,in aynu nahay umad ay run iyo doonis ka tahay nidaamkan dimuquraadiga ahi,Taasina keento in xukuumada iyo xafiisyadeeda dibeddaha ku yaala loola dhaqmo si dawladnimo buuxda ah. DARAJO BIXINTI CIIDAMADA. run ahaanti May fududeen in umada dagaalo sokeeye iyo weliba halkan dheer oo ka horeeyay soo gashay,oo ciidamadeedu bilaa darajo iyo kala sareyn lahayn,in darajo loo sameeyo,waxaan xusuusta marka maraakiibta ciidamada bada Ee aduunyada qaar kamidi yimaadan berbera oo uu hogaaminaayo janaraal,in inaga dhankeena lawaayo jiray darajo aynu ku gudubno oo dhigiisa ah,Taasina noqon jirtay in ama wasiirka loo geeyo ama taliyha ciidanka Ee ugu sareeya,waad ogtihiin oo aduunyada cidamudu darajo iyo kala Sareen ayay ku macaamilaan gudohooda aduunyadana kula macaamilaan.maanta siilaanyo dabadi waxa inoo dhisan ciidan iyo kala dambayn aynu aduunyada kula xidhiidhi karno,waxna katari karta madaqada aynu deganahay,oo ah meel ay muhiim u tahay habka ciidanimo. JIDADKA,GAARAAHAAN CEERIGAABO. Waxyanu ognahay inkaabayaasha iyo jidadku muhiim u yihiin nidaamka dawladnimo,iyo umadaha meel ku nool,waxaynu ognahay in intii dawladeed Ee taariikhda soomalida soomartay,inay ku dhiiran waayeen jidkaa cerigaabo,run ahaanti waxay ahayd nidaam geesinimo,oo in badan oo inga midi ay rumaysan Kari weyday,maantana waxaynu ognahay in in yari dhiman tahay,umadasina maalin aan fogeen Godoonka kabixi doonaan.. Iyadoo aanan weli fari ka qodneyn waxyaalaha siilaanyo lagu xasuusan doono,oo buugaag laga qori karo,haboontahayna in inta uu qofku xayga yahay laysku duba rido taariikhdiisa hogaamineed si jiilka dambe ay ugu noqoto ,tusaale iyo wado ay raacaan,waxaynu ognahay in MARKA MANDAQADA KHILAAF SIYASADEED KADHACO,INAANAY SOOMALILAND MEELNA AANAY RAACI JIRIN OO AANAY SAMAYN SIYAASADEED LAHAYN MADAXWEYNE SIILAANYO HORTI,Lakiin maanta uu madaxweynuhu uu qaatay goaan iyo qaraar siyaasiya,beesha caalamkana uu u bandhigay in uu yahay madaxweyne iyo xukuumada garanaysa sida maanta caalamku u shaqaynayo,xulufada caalamkanaa qaybteeda ka qaadan karta,maadama oo aynu kunaalo mandaqad muhiim u ah isku socodka iyo xidhiidhka caalmka, Hadab waxan isku dayi doona bal in aan socoto kadhigo maqaal iftiiminaya talaaabooyinki wax ku oolka ahaa Ee uu madaxweyne siilaanyo qaaday.
W/Q Xamse Yuusuf Xoorxor
Sweden
COMMENTS
|
|
|
|
|
|