Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Gacan Kudhiigle Hargaysa Ku Dilay Nin Shacab Ah Kuwo Kalena Dhaawacay
June 22, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dil ka dhacay magaallada Hargeysa maalintii dorraad kaasi oo uu ku naf waayay hal qof mid kalena dhaawac kasoo gaadhay. Dilkan oo sida xukuumaddu sheegtay uu geystay eedaysane guri ugu galay marxuum magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Muuse Weyd isla markaana uu dhaawacay wiil uu dhalay marxuumkani.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dhacdadaas kadib u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in dilkan oo ka dhacay xaafadda Isha-boorama ee Degmada Axmed Dhagax ee magaallada Hargeysa ay xukuumad ahaan ay ka hawl galeen sidii loo soo qaban lahaa ninka falka gaystay oo uu ku tilmaamay in uu Shakaaki yahay, waxaanu intaa ku daray in ay soo qabqabteen qaarkamid ah ehellada eedaysanaha si loo ilaaliyo nabadgelyada oo aanay shaqaaqadani u sabababin dhibaato kale.