Sucuudiga Oo Sheegay Inuu Fashiliyay Weerar Lagu Qaadayay Masjidka Barakaysan Ee Xaramka
June 26, 2017 - Written by Berbera Today
Makkah(Berberatoday.com)-Wasaarada arrimah gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .