Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Wadani Oo Hambalyo U Diray Shacabka Somaliland Munaasibada Ciidal- Fidriga Awgeed.
June 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa (Berberatoday.com)-Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Islaamka ugu hambalyeeyey munaasibada Ciidul-fidrida oo bari oo Axad ah (Shawwal 01, 1438H) looga dabaal dagi doono Somaliland iyo guud ahaan dunida muslimka ah.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI oo ku hadlaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad-ba, waxa uu guud ahaan umadda Islaamka ah gaar ahaan shacabka Somaliland ugu hambalyeynayaa Ciidul Fidrida, waxaanu ilaahay uga baryey in