War Deg Deg Ah”Koonteenarkii Labaad Oo Kimikal Ku Jirto Oo Dekeda Berbera Hada Ku Qarxay
June 27, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa Hada dekeda Berbera Ku qarxay Koontiinar 40 feet ah oo ay kujirto Sun Kimikal ah oo lamida kii wiigan horaantiisii ku qarxay Dekeda Berbera.
koonteenarkan Qarxay Maanta ayaa Waxa La sheegay inuu la socday kii maalntii hore qarxay ee khatarta galiyay Dekeda Berbera ee sida dirqiga ah lagu bakhtiiyay iyada oo kooxaha dabka la dagaalamaya ee dawlada Hoose iyo haamaha Berbera gurmad xoogan ka galeen sidii loo bakhti lahaa.