berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Koonteenarkii Labaad Oo Kimikal Ku Jirto Oo Dekeda Berbera Hada Ku Qarxay
June 27, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa Hada dekeda Berbera Ku qarxay Koontiinar 40 feet ah oo ay kujirto Sun Kimikal ah oo lamida kii wiigan horaantiisii ku qarxay Dekeda Berbera.
koonteenarkan Qarxay Maanta ayaa Waxa La sheegay inuu la socday kii maalntii hore qarxay ee khatarta galiyay Dekeda Berbera ee sida dirqiga ah lagu bakhtiiyay iyada oo kooxaha dabka la dagaalamaya ee dawlada Hoose iyo haamaha Berbera gurmad xoogan ka galeen sidii loo bakhti lahaa.
Koonteenarada Qarxay ayaa waxa la sheegay inay jirto Sun loo malanayo inay tahay Aysiidh ama wax lamida taas oo la sheegay inay leedahay shirkada Ina Awsiciid oo la sheegay inay Qaab Transit ah Dekeda Berbera umariso iyada oo shirakadu u iibgaysa Dalka Yeman oo la sheegay in lagu isticmaalo waxaanay suntan ama aysiidhani ku jirtaa tiiman waxaana Dekeda Berbera lagaga daabulaa Doonyo yaryar oo sayruukh ah sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Suntan uu dalka keenay Ganacsadaha Maxamed Awsiciid.
Warar kaloo aan La Xaqiijin ayaa sheegaya in aanu suntan aysiidha ah aanu lahayn Ganacsade Maxamed Awsiciid hase yeeshee uu leeyahay Wakiiliisa Dekeda Berbera Badeecadaha uga saara oo lagu magacaabo Maxamud Xasan Qaalib oo hada ku maqan Cirada oo soo xajinaya.
Dhinaca kale shirkada DP World ee la wareegtay Maamulka iyo Maalka Dekeda Berbera ee Xukumada Siilanyo ka kiraysay Dekeda ayaan ilaa hada keenin wax qalab ah oo la xidhiidha ka hortaga Dabdamiska iyo aafooyinka dabka la halmaala waxaana maanta iyo maalintii horeba ugurmaday oo dababka koontinaradaas ka kacay bakhtiiyay kooxaha ka hortaga dabka ee dawlada Hoose ee Berbera iyo Haamaha shiidaalka Berbera.
Magaalada Berbera ayaa ah magaalo xiligan ay dabayl xagaa xoogani ka dhacay iyada oo ay halisna kulaalayso magaalada Berbera sababtoo ah waxa isku kulaalaya oo masaafo kooban isu jira goobta Koontnarada labada ahi ku giubteen mudada isbuuxa gudihiisa oo ah Dekeda qeybteeda Barxada lagu magaaco Wajaale oo masaafo kooban ujirta Haamaha Shiidaalka Berbera iyo shirkadaha Unigas Iyo Somgaas oo isa saaran, waxaana dhici karta inay dabayshu dabkaas ugudbiso goobahaas shiidaalka iyo gaasta qarxayaa yaalaan.
lada Hoose Waxa Hada La sheegayaa in kooxaha dawlada hoose iyo Haamaha shiidaalka Berbera gurmad xoogan ka galeen daminta dabkaas koonteenarka kacay markii labaad Waxaana la sheegayaa in amar lagu bixiyay in xabsiga loo taxaabo Maxamud Xasan Qaalib oo ah ninka Badeecadaha labada jeer qarxday wakiilkak ah oo Cimrada ku maqan marka uu dalka soo galo Sidoo kale waxa isla maanta Xabsiga loo taxaabay Cabdiqaadir Bare oo ninka Maxamud Xasan Qaalib ee Xajka ku Maqan la shaqeeya oo ahaa kusimaha shaqada Wakiilnimo shirkadan Maxamed Awsiciid ee dhinaca badeecadaha Dekeda kasoo daga iyo kuwa ka dhoofa ka shaqeeya,

Berberatoday.com
COMMENTS
|