Shirkada Caalamka Oo Dhan Laga Isticmaalo Adeegeeda Ee Google Oo Balaayiin Doolar Lagu Ganaaxay Iyo Sababta Keentay
June 27, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Golaha midowga Yurub ayaa ganaax lacageed oo dhan 2.42 bilyan yuuro oo dhiganta ($2.7bn) ku soo rogay shirkada Google ka dib markii la ogaaday in shirkada ay si xun u isticmaashay awooddeeda.
Goluhu wuxuu sheegay in adeegyada dukaamaysiga ee Google la siiyay caannimo aan dhexdhexaad ahayn marka ay timaado in aaladaan wax laga dhexbaadhho.
