Madaxweynaha Brazil Oo Loo Haysto Inuu Laaluush Qaatay Iyo Fadeexad Dulhoganaysa
June 28, 2017 - Written by Berbera Today
Rio Dejinero(Berberatoday.com)-Madaxweyne Michel Temer ayaa ku adkeysanaya in uusan wax khalad ah samayn, balse dacwad ooge Rodrigo Janot ayaa sidaasi si ka duwan qaba.
Dacwada ooguhu waxaa uu keenay eeddeymo la xiriira in madaxweynuha uu aqbalay in laaluush la siiyo maxkamadda sare Isniintii.

Sida uu qabo sharciga waddanka Brazil, aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa loo baahan yahay in ay cod u qaadaan in loo ogolaanayo iyo in kale in maxkamaddu shaqa joojn ku sameyso madaxweynaha.