Dawladda Imaaraadka Oo Markale Hanjabaad Hawada U Marisay Dalka Qatar
June 29, 2017 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Safiirka Dowladda Imaaraadka u Fadhiya Ruushka ayaa ku hanjabey in cunuqabatayn dhaqaale oo dheeraad ah la saari doono dowladda Qadar hadii aysan u hogaansamin dalabka xulufada uu hogaaminayo Sucuudigu.

Cumar Ghobash oo waraysi siinayay wargayska Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in dalabka 13-ka qodob ah looga baahan-yahay Qadar in ay aqbasho si ay oga fogaato cunaqabatayn kale oo lagu soo rogo.